Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Makhaayaddii Dila oo dib loo dayactirayo

Magaalada Dila makhaayad dadka safarka ahi ka cunteyn jireen oo horraantii bishan April daadad qaadeen kuna dhinteen shan qof ayaa mulkiilihii makhaayadaasi oo caawimo ka helay bulshada uu dib u dhis ku bilaabay.

Weriyaha BBCda Axmed Saciid Cige oo maalmahanba shaqo u joogay gobolka Awdal ayaa markii uu marayay magaalada Dila la kulmay shaqo dib u dhis ah oo ka socta mukhaayadaasi, wuxuuna nooga soo diray warbixintan isagoo la hadlay mulkiilaha iyo masuuliyiinta deegaanka.