Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xanaanada digaaga oo Wajeer laga hirgaliyay

Dhageyste haddaad maqli jirtay Soomaalidu waxa ay dhaqataa Geel, Lo', Ari ama Fardo oo kaliya, haatan warkii hore war soo dhaaf.

Waxaa haatan dhaqashadii ku soo biiray digaagga, oo xeryo inta loo sameeyay sidaa lagu xanaaneeyaa.

Haddaba koox dhallinyara ah ayaa magaalada Wajeer waxa ay ka bilaabeen xarun digaagga lagu xanaaneeyo laguna intifaaco ukunteeda oo magaalada loo beec geeyo.

Kooxdan ayaa mashruuca ku billaabay digaag aan sidaa u tira badnayn iyagoo gacan ka helaya maamulka oo fursado shaqo u abuurayay dhallinyarada, haatanse mashruucoodii waa uu kobcay.

Cabdi Yusuf Cilmi, waxa uu ka mid yahay dhalinyaradaasi Bashkas Jug Soodhacay ayaa kula kulmay xarunta digaaga lagu xanaaneeyo wareysigan ayuuna la yeeshay.