Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Mucaaradka Somaliland oo soo dhaweeyay in doorashada ay xilligeedii ku qabsoomayso

Xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland ayaa si uu taxadar ku jiro waxa uu usoo dhaweeyay hadalka Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ee ahaa in ay ka go'antahay in doorashada madaxtinnimo ay dhacdo waqtigii loogu talo galay ee horaanta sanadka 2017.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, ahna Gudoomiyaha Xisbiga Wadani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo booqasho ku jooga waddanka Mareykanka ayaa BBCda u sheegay in ay ka digayaan in ay yimaadaan wax diiwaagelinta ama doorashada carqaladeeya.

Gudoomiye Cirro oo u warramay weriyaha BBCda Cabdifitaax Ibraahim Cagayare ayaa marka hore waxa uu waydiiyay booqashada uu Mareykanka ku joogo waxa ay tahay, ma mid shaqsi mise mid shaqo?