Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Diiwaangelinta gobolka Maroodi-jeex oo bilaabatay

156 goobood oo ku yaalla gobolka Maroodi-jeex ee ka tirsan tahay magaalada Hargeysa, ayaa saaka waxaa ka bilowday diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashada la filayo in ay Somaliland ka dhacdo Maarso 2017.

Madaxweynaha Somaliland iyo madaxda xisbiyada mucaaridka ayaa ka mid ahaa dadka maanta is diiwaangeliyay.

Diiwaangelinta gobolka Maroodi-jeex, oo ah gobolka ugu dadka badan Somaliland, ayaa socon doonta bil, waxaana la filayaa in lix boqol oo kun oo ruux la diiwaangeliyo.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa warbixintan inoo soo diray.