Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shir ku saaban xagjirnimada oo ka dhacay Nairobi

Kulan ku saabsan sidii ay diimaha uga wada shaqayn lahaayeen wada noolaanshaha, aragti midaysanna looga qaadan lahaa argagixisonimada ayaa dhawaan lagu qabtay magaalada Nairobi.

Kulanka oo ay isugu yimaadeen hogaamiyeyaal diimeed oo ka kala socday Muslimiinta, Masiixiyiinta iyo Hinduuga ku nool qaybo ka tirsan Afrika, iyo Aasiya waxaa ka mid ahaa dadkii ka qayb galay iimaamka Masjidu Saxaaba oo ku yaalla waddada 12-aad ee xafadda Islii Shariif C/laahi Shariif Xasan.

Faarax Lamaane ayuu uga warramay wixii kulanka lagu soo qaaday iyo qodobbadii ka soo baxay.