Kerry oo rajo ka qaba hakinta colaadda Suuriya

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption John Kerry

Xoghayaha arimaha dibadda mareykanka, John Kerry ayaa sheegaya in wadahadallada ka socda magaalada Geneva ay u dhow yihiin in is-afgarad laga gaaro dib u cusbooneysiinta heshiis lagu hakinayay colaadda dalka Suuriya balse wali loo baahan yahay in la qabto waxyaabo badan.

Kerry ayaa wada hadal la yeelanayay wasiirada arrimaha dibadda ee waddamada Sucuudiga iyo Urdun, kaddibna waxaa uu la kulmi doonaa ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan dalkaasi Suuriya, Staffan de Mistura, oo uu kala xaajoon doono sidii loo soo afjari lahaa dagaalka ka soo cusboonaaday magaalada Xalab.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sucuudiga Cadel Al-Jubeyri ayaa xaaladda ka jirta magaaladaasi ku tilmaamay mid murugo leh, waxa uuna arrintaasi ku eedeeyay madaxweyne Bashar Al-Assad.

Dagaalka ayaa halis geliyay in ay gebi ahaanba burburaan dedaalada nabadda ee dalkaasi