Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali ka mid ah dadka ka qaxay dabka Canada

Dab xooggan ayaa ku khasbay ku dhawaad 60,000 oo qof in ay ka qaxaan magaalada Fort McMurray ee dalka Canada.

Dabka ayaa baabi'iyay guryo, iyadoo dambas uu qabsaday waddooyinka magaaladaasi ku taala gobolka Alberta.

Dadka deegaanka oo qaxa ayaa buux dhaafiyay waddada weyn ee magaaladaasi ku xirta magaalada Edmonton.

Ilaa iyo haatan lama soo sheegin dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dabkaasi.

Haddaba Cabdifataax Ibraahim Cagayare ayaa khadka taleefanka magaaladaasi kula xiriiray Saahid Ibraahim Daahir oo ah Soomaali deggan magaalada uu dabka ka kacay.