Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Garissa oo laga ooman yahay beerahase ay biyo qaadeen

Wararka ka imaanaya magaalada Gaarisa ee waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in webiga Tana ee halkaasi mara uu ku fatahay dhul beereed baaxad leh, inkastoo magaaladaasi iyo deegaanada kale ee ku xeeran uusan roobkii guga ka di'in.

Fatahaadda ayaa waxa ay khasaaro ka soo gaartay dadkii beeraleyda ahaa oo dalaggoodi ay biyaha baabi'iyeen.

Beeraleyduna waxa ay fatahaaddaasi ku eedeynayaan shirkadda quwadda korontada ee KenGen oo ay sheegeen in ay biyo badan ka soo daayeen biyo xireenada ku xeeran webiga Tana.

Daahir Maxamed Qanyare waxa uu ka mid yahay dadka beeraleyda ah ee ay dhibaatada soo gaartay, Bashkas Jug Soo dhacay oo khadka taleefoonka ku waraystay ayaa marka hore waydiiyay halka ay ka yimaadeen biyahan mar haddii uusan roob ka di'in deegaanka?