Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cabitaanka qaxwada oo ku badanaya Hargeysa

Soomaalida ayaa caan ku ah shaaha ay cabbaan, balse sanadihii dambe waxaa soo badanayay Soomaalida cabta coffee-ga ama qaxwada.

Magaalada Hargeysa iyo guud ahaan magaalooyinka Somaliland ayaa waxaa aad ugu soo badanaya mukhaayadaha ama baararka laga cabbo Coffee-ga ee weliba dumarku leeyihiin.

Weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa tegay mid ka mid ah baararka coffee-ga laga cabbo ee bartamaha magaalada Hargeysa, waxa uuna inooga soo diray warbixintaan.