Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhibaatada haweenka Soomaaliyeed ee umul raaca

Maanta oo kale dunida waxaa laga xusaa maalinta caalamiga ah ee umulisooyinka.

Xuska sanadkan waxaa hal ku dheg looga dhigay "Dumarka iyo dhallaanka markaasi dhashay," iyadoo u jeedaduna tahay in haweenka iyo dhallaankuba ay helaan daryeel tayaysan.

Haweenka Soomaalida ah ayaa la sheegaa in ay ka mid yihiin kuwa qaaradda Afrika ee umul raaca uu dhibaatada weyn ku hayo.

Arrintan ayaa waxaa loo aaneynayaa la'aanta xarumo iyo umulisoyin xirfadleyaal ah oo dabooli kara baahidaasi.

Haddaba sida ay tahay xaaladdan umul raaca iyo waxa laga qaban karo ayaa waxaannu ka wareysannay Agaasimaha ahna asaasaha Isbitaalka iyo Jaamacadda Edna ee magaalada Hargeysa, Umuliso sare Edna Aadan Ismaaciil, oo u warrantay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.