Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dabkii Canada oo sii faafaya

Dabka ka kacay gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa faraha kasii baxaya, xilli ay dabeylo xooggan hurinayaan.

Dabka oo maalintii afaraad galay ayaa hadda saameeyay in ka badan 85 kun oo hektar, waxaana la tacaalaya kooxaha deb demiska oo adeegsanaya booyado iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Boqolaal Soomaali ah ayaa degan magaalada Fort McMurray ee gobolka Alberta Canada, taasoo gebi ahaanba laga daadgureeyay dadkii ku noolaa.

Xukun Gaas Xaruur waa gudoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladaasi, khadka telefoonka ayuu ugu warramay Farxaan Maxamed Jimcaale.