Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Webiga Tana oo ku fatahay beero badan

Iyadoo dhawaantan qeyba ka mid ah magaalada Gaarisa ee waqooyi bari Kenya uu ku fatahay webiga Tana ee halkaasi mara, ayaa haatan dowladda deegaankaasi waxa ay sheegtay in ay gacan siin doonto beeralayda ay dhibaatada ka soo gaartay fatahaaddaasi.

Beeraleyda ayaa daadadkan khasaaraha u gaystay beeraha magaalada waxa ay ku eedaynayaan shirkadda quwadda korontada ee KenGen oo ay sheegeen in ay biyo badan ka soo daayeen biyo xireenada ku xeeran webiga Tana.

Haddaba madaxa wasaaradda beeraha ee dowlad deegaanka Gaarisa, Safiyo Sheekh Cumar, ayaa Bashkas Jugsoo dhacay uga warrantay saameynta ay fatahaaddaasi ku reebtay beeraha deegaanka.