Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi dabka qabsaday Fort McMurray

Kumanaan qof oo ka qaxay dab ka kacay magaalada Fort McMurray ee dalka Canada ayaa dayaarado loogu daad gureeyey meelo nabdoon.

Dabkaas xoogga leh ee ka kacay deegaankaas saliidda qaniga ku ah ayaa hoos u dhigay wax soo saarkii xagga shidaalka ee Canada.

Boqolaal Soomaali ah ayaa degan magaalada Fort McMurray ee gobolka Alberta halkaasi oo uu dabka si weyn u saameeyay.

Xukun Gaas Xaruur waa gudoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladaasi, khadka telefoonka ayuu ugu warramay Farxaan Maxamed Jimcaale.