Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xildhibaan Daahiye: Kenya way ku khaldan tahay go’aanka qaxootiga

Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa dhaliishay go'aanka ay dowladda Kenya ku xireyso xeryaha qaxootiga, ayadoo sheegtay in uu khatar gelinayo noolasha kumannaan qof oo qaxooti ah.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in sababo ammaan, dhaqaale iyo deegaan ay ku kalifeen go'aankan cusub.

Hogaamiyayaasha qaxootiga ayaa ka gaabsaday in ay go'aanka ka hadlaan.

Balse xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Dhadhaab ayaa go'aanka ku tilmaamay mid ka horjeeda shuruucda caalamiga ah iyo weliba kan u yaalla Kenya.

Mudane Maxamed Daahiye Ducaale ayaa u warramay Bashkas jugsoo dhacay.