Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jaamici lo’ ku dhaqda Borama

Dhalinyarada tahriibta ayaa inta badan sheega in shaqa la'aan awgeed ay naftooda ugu biimeeyaan badaha iyo dhulalka saxaraha ah.

Balse Cabdirisaaq Sheekh Cabdullaahi oo ah wiil dhallinyar ah oo ka qalin jebiyay jaamacadda Cammuud, ayaa waxa uu magaalada Borama ka sameeyay xarun lagu dhaqo oo lagu suuq geeyo xoolaha, gaar ahaan lo'da, si uu shaqo abuur u sameeyo intii uu tahriibi lahaa.

Weriyaha BBC Axmed saciid Cige ayaa Cabdirisaaq ku booqday dhowaan xerada lo'diisa ee duleedka Borama , wuxuuna ugu horeyn weydiiyay qaabka uu ku bilaabay mashruuca.