Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gabar kansar qabta oo buug ka qortay xanuunkeeda

Xaliimo Cali Cabdirisaq oo ah gabar qoraa ah oo uu ku dhacay cudurka kansarka, ayaa jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay buug ay kaga hadlayso xanuunka ku dhacay iyo sida uu u saameeyay nolosheeda.

Sidoo kale waxa ay buuga kaga hadlaysaa taariikhda qoyskooda oo markii hore ka qaxay Soomaaliya xiligii ay dagaalada sokeeye ka bilowdeen ilaa ay tageen Maraykanka, markaasoo aabaheed sanado kadib uu u geeriyooday laftigiisu kansarka beerka ku dhaca.

Buuga ayaa ku qoran af ingiriis.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa la kulmay gabadhan qoraaga ah waxa uuna kala sheekeystay waxyaabihii ku keenay in ay qorto buugan oo ay mudo sedex sano ah qoraalkiisa waday.