Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qareenno wacyigeliyay Soomaalida Islii

Soomaalida ku dhaqan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa ka cawda in ay handadaad kala kulmaan booliska Kenya, gaar ahaan xilliyada ay socdaan howlgalada lagu sugayo ammaanka.

Waxa ay sheegaan in lacago laaluush ah laga qaado, xattaa kuwa haysta aqoonsiga Kenya.

Dhalinyaro Soomaali ah oo bartay qaanuunka ayaa maalmahan waday olole wacyigelin ah oo ay u fidinayeen Soomaalida Islii.

Cabdinasir Aadan Ibraahim waa xubin ka tirsan ururka northern advocacy, oo isagu fuliyay wacyigelintaasi. Waxa uu iiga warramay waxa ay qabteen.