Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gabdho Soomaaliyeed oo la la'yahay

Magaalada Belfast ee Waqooyiga Ireland waxaa in muddo ah la la' yahay labo gabdhood oo Soomaali ah.

Gabdhahaasi waxaa xogtooda raadinaya hadda barnaamij ka baxa Telefishinka BBC Northern Ireland oo la yiraahdo Spotlight.

Gabdhahaasi oo la kala yiraahdo Nadra Ali oo 16 jir ah iyo Zhara Abdi oo 14 ama 15 jir ah waxaa ay yimaadeen Belfast iyaga oo aanay cidina la socon oo magangalyo doon ah.

Nadra waxaa cid ugu dambeysay 14kii January 2012 iyada oo joogta Belfast, waxayna markaa xirneyd xijaab Huruud iyo Madow ah iyo koodh madow iyo madax-gashi dhogor leh.

Zahra waxaa cid ugu dambeysay 20kii June 2005 iyada oo joogta Belfast. Higaadda magaceeda ugu dambeeya wuxuu noqon karaa 'Ibdi' iminka waa 25 jir.

Haddaad ogtahay meesha Nadra ama Zahra joogaan ama aad heysid wax war ah oo iyaga ku saabsan, fadlan la soo xiriir weriye TV Peter Coulter oo aad ka heleysid BBC Spotlight telefonkuna waa 07518004078 ama emailka peter.coulter@bbc.co.uk

Waxaa kooxdan BBC-da ka tirsan isna gacan ka siinayay baadi-goobka gabdhahaasi, Suleymaan Maxamed Cabdullaahi oo ah Isu duwaha Horn of Africa People's Aid ee Northern Ireland, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa isaga iyo Peter oo ka tirsan BBC waxa uu weydiiyay inay faahfaahin ka bixiyaan gabdhahan la la' yahay.

Image caption Farxaan Maxamed Jimcaale oo wareysanaya Suleymaan iyo kooxda BBC Northern Ireland