Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Mucaaradka Kenya oo doonaya in la kala diro guddiga doorashooyinka

Booliska Kenya ayaa gaaska dadka ka ilmaysiiya iyo biyo xoog leh u adeegsaday inay ku kala kaxeeyaan dad ku mudaaharaadayey guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha, oo ah hay'adda mas'uulka ka ah doorashooyinka la filayo inay sannadka dambe dhacaan. Muddaaharaadyada ayaa yimid markii isbahaysiga mucaaradka uu dalbaday in guddiga la kala diro.

Haddaba weriyaha BBC-da Maxamuud Cali Maxamed ayaa xildhibaan Cabdiqaadir Ore Axmed oo laga soo doorto Galbeedka Wajeer, kana tirsan mucaardka ka wareystay muddaharaadyada iyo baaqyada ah in guddiga doorashada ee dalkaasi la kala diro.