Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaxootiga Dhadhaab oo walaac ka muujiyay go'aanka Kenya

Maalmo uun kaddib markii dowladda Kenya aya shaacisay in ay xireyso xeryaha qaxootiga ee Kaakuma iyo Dhadhaab ayaa waxaa soo baxaya walaac qaxootigu ay ka qabaan arrintaasi.

Maalin ka horna hay'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay, UNHCR, ayaa walaac xooggan ka muujisay go'aankaasi Kenya soo saartay toddobaadkii hore ee ay ku sheegtay inay damacsan tahay in ay joojiso marti gelinta qaxootiga,sababo la xiriira culaysyo dhanka amaanka iyo xagga bii'ada ah ayay kenya waxayna ugu baaqday inay dib u eegto go'aankeeda.

Jimcihii ayey wasaaradda arrimaha gudaha ee Kenya waxay sheegtay in xukuumaddu ay xirtay waaxdeedii u qaabilsanayd arrimaha qaxootiga, ayna ka shaqaynayso hanaankii lagu xiri laha xeryaha qaxootiga ee waddanka, talaabadaas oo Qaramada midoobay ay sheegtay inay saamayn karto ilaa 600,000 (lix boqol oo kun) oo qof.

Haddaba weriyaha BBC-da Bashkas jugsoodhacay oo Dhadaab shaqo u jooga ayaa la sheekestay qaar kamid ah dadka qaxootiga.