Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay tahay sababta dhabta ah ee ka dambeysa xiritaanka xeryaha Dhadhaab?

Barnaamijka waxa ay ila tahay ee galabta ee BBCda sidaan horayba idinkugu sheegay waxaannu ku eegaynaa go'aanka dowladda Kenya ay ku xireyso xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo ay ku nool yihiin ku dhawaad nus malyuun qof oo Soomaali u badan.

Kenya ayaa tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ka dilaacay Soomaaliya bilowgii sagaashameeyadii martigalinaysay qaxootiga.

Haddaba maxay tahay sababta dhabta ah ee ka dambeysa xiritaanka xeryaha Dhadhaab?

Dhagaystayaal barnaamijka waxaa ka qayb gelaya oo marti inoogu ah siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo dadka qaxootiga ah iyo kuwa martigeliyayba.

Waxaa ka mid ah: Gudoomiyaha hay'adda Qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka Soomaaliya, Axmed Cabdikariim Nuur (Axmed Daahir)

Faarax Macalim, Kuxigeenkii hore ee Afhayeenka Baarlamanka Kenya, haatanna ah xubin ka tirsan isbahaysiga mucaaradka ee CORD.

Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faalooda arrimaha caalamka.

Sidoo kale barnaamijka waxaa marti inoogu ah Dubad Cali Camey oo ka mid dadka deggan magaalada Gaarisa ee martigaliyay Qaxootiga.

Dahir Maxamed Cali oo muddo 25 sano ah ku noolaa xeryaha Dhadhaab.

Barnaamijka waxaa soo jeedinaya Cabdifitaax Ibraahim Cagayare