Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cudurka dhiig-karka oo ku soo badanayo Soomaalida

Maanta oo kale sanad waliba waxaa caalamka laga xusaa maalinta wacyigelinta ka hortaga cudurka dhiig-karka.

Cudurkan oo sanadihii dambe kusoo badanayay Soomaalida, ayaa ka dhasha arrimo ay ka mid yihiin walwalka, jimicsi la'aanta jirka, ayadoo dhakhaatiirta qaarna ay la xiriiriyaan cunista khaadka.

Weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige ayaa booqday cisbitaalka guud ee magaaladaasi oo markaasi lagu daaweynayay dad qaba cudurka dhiig-karka, warbixintan ayuuna inooga soo diray.