Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hawlgal ka dhacay Shabeelaha Hoose

Hawlgal ay wadajir u sameeyeen ciidamo ka tirsan milateriga Somalia iyo xoogagga AMISOM oo la sheegay inay taageerayeen diyaarado ayaa weerar ku qaaday fariisin ay Al Shabaab ku lahaayeen degaanka Bariirre ee gobolka Shabeelaha Hoose. Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya cida gacanta ku haysa Bariire oo qiyaastii 30 km u jira degmada Afgooye.

Warkaas iyo weerar ay Al Shabab ku qaadeen saldhigyo ciidan oo ku yaalla deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan waxaa Muqdisho ka soo diray wariyaha BBC Ibraahim Maxamed Aden.