Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muqdisho: shir tacadiyada galmada looga hadlayo

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan dhex maray madax ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka oo ay hor kacaysay safiiradda UK u qaabilsan Somalia.

Arrinta ugu muhiimsan ee kulanka looga hadlay ayaa la xiriirta tacaddiyada xagga galmada, ayadoo beesha caalamku ay doonayso inay xukuumadda Soomaaliya culays ku saarto sidii loo dardar galin lahaa ansixinta sharciga ka dhanka ka ah tacaddiyada galmada ee kufsigu ku jiro.

Dadkii shirkaas ka qayb galay waxaa ka mid ahayd Aamina Xaaji Cilmi oo guddoomiye ka ah urur ka shaqeeya badbaadinta dumarka iyo carruurta oo marka la soo gaabiyo la yiraahdo SSWC. Farah Lamaane ayey uga warrantay wixii kulankaas looga hadlay.