Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland ma sii wadi kartaa aqoonsi raadiska?

Somaliland ayaa maanta u dabaal-dagaysa 25 guuradii kasoo wareegtay markii ay ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale.

Haddaba qaab noocee ah ayuu ku yimid gooni isutaaga Somaliland? mise loo dhamaa shirkii ka dhacay Burco? 25 ka dib ma sii socon karaa aqoonsi raadiska?

Su'aalahaasi iyo kuwo kale ayuu weriyaheenna Axmed Saciid Cige weydiiyay gudoomiyihii shirweynihii beelaha Somaliland ee magaalada Burco, Xasan Ciise Jaamac, oo ahaana markaasi gudoomiye ku xigeenkii jabhaddii SNM.