Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Siilaanyo oo sheegay in aan la mahadin midnimadii Soomaaliya iyo Somaliland

Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo oo ka qayb galayay dabbaaldegga 25 sano guurada ka soo wareegtay gooni isutaaga somaliland ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in aan la mahadin midnimadii Somaliland iyo Soomaaliya ee 1960.

Madaxweyne Siilaanyo oo inta badan khudbadiisa kula hadlay Soomaaliya oo uu sheegay in Somaliland aanay u soo socon midnimo danbe.

Weriyaha BBC Axmed Saciid Cige ayaa joogay dabbaaldegga oo warbixintan goor dhoweyd ka soo diray.