Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dibadbax Muqdisho ka dhacay

Magaalada Muqdisho waxa maanta ka dhacay dibadbax ay dhigeen boqolaal dadweyne ah, kaas oo ay ku dalbanayeen in aqalka sare ee baarlamanka ee uu dalku yeelan doono in xubno laga siiyo gobolka Banaadir.

Heshiiskii ay horey u gaareen madaxda Soomaalida oo hadda horyaala baarlamanka ayaa waxa ku qornaa saami qaybsiga aqalka sare in aanay Muqdisho wax xubno ah aanay ku yeelan doonin taasoo aad uga caraysiisay dadka degan Muqdisho.

Ibraahim Maxamad Aadan