Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa loo aanayn karaa in diyaradda EgyptAir ay sababtay in ay hawada ka baxdo?

Kooxaha baadigoobaya diyaaraddii EgyptAir ee la waayay Khamiistii ayaa helay burbur iyo qeybo ka mid ah jir bini'aadam oo dul sabaynaya badda Mediterranean-ka.

Sidoo kale waxa ay heleen kuraas iyo alaabo ay leeyihiin rakaabkii diyaaradda.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxay xog sheegaysa in qalabka lagu ogaado qiiqa uu damay, waxyar un ka hor inta aanay diyaaraddu hawada raadeerka ka bixin. Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 66 qof.

Haddaba waxaannu la xiriiray duuliye sare Axmed Cilmi Guure oo ka tirsanaan jiray duuliyayaashii shirkaddii diyaaradaha ee Somali Airlines, Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo wareystay ayaa marka hore waydiiyay waxa loo aanayn karo in diyaraddan ay sababtay oo ay hawada uga baxday?