Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka bini'aadaminimada adduunka oo Istanbul ka furmaya

Shirkii ugu horeeyay ee bini'aadaminimada adduunka ayaa waxa uu maanta ka furmayaa magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga, iyadoo ku dhawaad 6000 oo wufuud ah oo ka kala yimid dunida ay isku dayayaan sidii lagu horumarin lahaa sida hannaanka bini'aadamnimo uu u shaqeeyo.

Madaxda dalal, kuwa hay'adaha gargaarka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa waxa ay ka arrinsanayaan sida dhaqaale ahaan wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka iyo sida ugu wanaagsan ee gargaar lagu gaarsiin karo dadka aadka ugu baahan.

Haddaba Cabdiraxmaan Koronto oo BBC uga soo waramaya shirka ayaa warbixintan nooga soo diray.