Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waa sidee xaaladda helitaanka biyo nadiif ah ee xerada Badbaado ee Muqdisho?

Barnaamijka Africa debate ee billaha ah, ee ka baxa BBC-da la hadasha dibadaha ayaa bishaan waxaa diiradda lagu saarayaa helitaanka biyo nadiif ah.

Haddaba waa sidee xaalada helitaanka biyo nadiif ah ee xeryaha ay ku nool yihiin dadka baracayaasha ee magaalada Muqdisho?

Weriyaha BBC-da Ibraahim Maxamed Aadan, ayaa booqday xerada Badbaado waxa uuna u kuurgalay xaalada biyaha ee xeradaasi warbixintan ayuuna inooga soo diray.