Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hooyo Soomaaliyeed oo ka gabyday tahriibka

Boqolaal dhalinyaro Soomali ah ayaa gala tahriib khatar badan oo ay ku aadayaan waddamada Yurub iyagoo sii mara jid dheer oo weli silic badan.

Dhalinyarada qaarkood waxay safraan iyagoo waalidkooda uusan ogayn oo waa ay ka dhuuntaan.

Inta badan safarkaasi khatarta badan waalidku waxay ku bixiyaan kumanaan doolar, si caruurtooda ay u nabad galaan.

Koos Jaamac Dhunkaal waxay ka mid tahay waalidiinta ay caruurtooda u safreen Yurub.

Weriyaha BBC-da Cabdirisaaq Xaaji Catoosh ayaa magaalada Hargeysa kula kulmauy. Waxayna uga sheekaysay dhibaatadii uu maray wiil ay dhashay iyo gabay ay u tirisayba.