Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali lixdan jir ah oo imtixaanka dugsiga sare u fariistay

Lixdan jir lagu magacaabo Axmed Maxamad Cali Saney ayaa sanadkan kamid noqday ardayda u fariisatay imtixaanka kama danbeysta ah ee dugsiyda sare ee degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxa ay ahayd arrin dad badan ka yaabisay markii sawiradiisa isagoo imtixaanka u fadhiya lagu baahiyay baraha bulshada.

Soomaaliya waxaa dhif iyo naadir ah in qof da'daa jira uu tago dugsiyada aasaasiga ah ee waxbarashada iyadoo Soomaaliya ay meel sare kaga jirto dalalka aanay inta badan dhalaanku fursad u helin waxbarasho.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa la waraystay Axmed Saney.