Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Tartanka cayaaraha waddamada aan la aqoonsanayn

Koox ciyaartooy ah oo ka socota Somaliland ayaa waxa ay ka mid tahay 12 kooxood oo ka kala socda waddamada caalamka ee aan la aqoonsanayn amaba aan ku jirin xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA.

Waxaana kooxahani ay ka qayb qaadanayaan tartabka koobka kubadda cagta adduunka ee waddamada aan la aqoonsanayn, tartankaasi oo ay uu soo qaban-qaabiyay ururka CONIFA.

Sanadkan waxaa martigelinaya Abkhazia oo ka go'day Georgia.

Tartankaasi iyo waxa uu yahay ayaa waxaan ka wareysanay Xasan Xaaji Maxamed (xasan Waraabe-Cadde) oo ah la taliyaha dhinaca ciyaaraha ee duqa magaalada Hargeysa, horeyna u haan jiray guddoomiyaha olombikada somaliland.

Wuxuu u waramay Xasan Cali Geele.