Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali u tartamyso aqalka wakiilada Minnisota

Olo-laha doorashooyinka kala duwan ee Maraykanka, ayaa maraya meel xasaasi ah,waxaana musharixiinta jagooyinka kala duwan u baratamaya, ay u xusul duubayaan sidii ay u hannan lahaayeen taageerayaasha ugu badan ee ay heli karaan.

Ilhaan Cumar, waa gabar Soomaaliyeed oo u tartameysa kursi ka tirsan aqalka wakiilada ee gobalka Minnisota.

Maalmihii u danbeeyayna, waxay isu soo baxyo waawayn ku qabanayaysay deegaanka ay ka sharaxantay.

Weriha BBC-da Mohamed Haji Hussein ayaa waraystay Ilhaan Omar, waxa uuna waydiiyay marka hore bal in ay ka waranto halka uu umarayo tarkanka dooradashada ay ugu jirto.