Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhalinta Somaliland oo shaqo abuur ka doorbiday tahriib

Shaqo la'aanta ka jirta Somaliland ayaa inta badan loo aaneeyaa dhalinta tahriibaysa ee doonaya in ay nolal wanaagsan ka helaan waddamada reer Yurub, waxaana qaar badan ay nolashooda geliyeen halis iyaga oo doonaya in ay Yurub gaaraan. Balse qaar kale oo dhalintaasi ka mid ah gaar ahaanna kuwa Jaamacadaha ka baxay amaba wali ku jira oo markay shaqo waayeen intii ay tahriibi lahaayeen shaqo abuur samaystay.

Weriyaha BBC Axmed Saciid Cige, oo mar sii horreysay shaqo u tegay magaalada Borama wuxuu kula kulmay koox dhallinyaro aqoonyahanno ah oo dukaan weyn oo dharka loogu tolo rag iyo dumarba ku haysta bartamaha magaalada Borama.

Waxa uuna la hadlay dhalinyarada iyo macaamiishoodaba, waxa uuna inooga diyaariyay Warbixintan.