Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Weerarka Hotel Ambasador oo dhammaaday.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in la soo afjaray dagaal Kooxda Al-shabaab ay ka waday mudo dhawr iyo toban saacadood ah hotelka Ambasador oo ku yaala wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan Shan iyo toban qof oo ay ku jiraan labo xildhibaan, ayaa ku dhintay weerarkaasi sida ay goobjoogayaal iyo saraakiil caafimaad sheegeen.

Dhaawaca, ayaa kor u dhaafay konton.

Haddaba wararka ku saabsan weerarka Muqdisho waxa warbixintan ka soo diray weriyaha BBC Ibraahim Maxamad Aadan.