Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhageysiga dacwadda Minneapolis.

Dhageysiga dacwad saddex dhalinyaro Soomaali ah uga socotay magaalada Minneapolis ee wadanka Maraykanka ayaa la soo gabagabeeyay.

Dhageysiga dacwaddani oo socotay muddo 17 maalmood ah ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa la filayaa in xeer beegta dhagaysanaysay dacwadani ay go'aan ka gaaraan.

Dhallinyaradani oo kala ah Guuleed Omer oo 21 jir ah, Abdirahmaan Daud oo 22 jir ah iyo Mohamed Faarah oo 22 jir ah ayaa in muddo ahba loo haystay eedeymo la xiriira in ay doonayeen in ay ku biiraan kooxo Islaamiyiin ah oo ka baxsan dibadda Mareykanka.

Ayaan Mohamed Faarax, waa hooyada dhashay Mohamed Abdixamiid Faarax oo ka mid saddexda dhallinyarada. Wariyaha BBC-da Mohamed Haji Hussien, ayaa maxkamadda kaddib waraystay.

.