Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Booqashada Erdogan iyo Hammond ee ee Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo booqasho ku marayay dalalka Geeska Afrika ayaa maanta waxa uu booqanayaa magaalada Muqdisho, halkaasi oo xariga ka jari doono safaarad uu Turkigu halkaasi ka dhistay.

Booqashada Erdogan ayaa ku soo beegmeyso maalin un kaddib markii dabley ka tirsab xarakada Al-Shabaab ay weerar khasaare dhaliyay ka fuliyeen gudaha Muqdisho.

Muqdisho waxaa booqasho sidoo kale shalay ku tagay xoghayaha arrimaha dibadda ee waddankan Britain, Philip Hammond, si uu ula kulmo ciidamo la taliyalaal ah oo ka socdo Britain oo ku sugan Soomaaliya.

Booqashada Erdogan iyo Philipp Hammond ee soomaaliya iyo waxa ay uga dhigan tahay Soomaaliya ayuu weriyaha BBC-da Raage Xasan ka wareystay Maxamed Cabdullahi oo ka faalooda arrimaha Geeska Afrika.