Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Seddax wiil oo Somaali ah oo lagu helay dembiyo

Xeer beegtida Minneapolis ayaa waxa ay dembi ku heleen seddax wiil oo ay ku eedeeyeen inay taageerayeen dagaalyahano ajaaniib ah iyo dembi sababi lahaa dil.

Kiiskan wiilasha Somalida ah wa kii ugu ballaarnaa ee maxkamad gaaro oo ku saabsan kooxda Daacish dhallinyaro lala xiriirinayo.

Seddaxda eedeysanayaal oo kala ah - Cabdiraxman Daud, 22; Moxamed Farax, 22; iyo Guled Cumar, 21 - hadda waxa ay wajahayaan xukunno xabsi daa'in ah.

Go'aanka loo looga dhawaaqay maxkamad federal ah, waxaa la arkaayay ehellada oo oynaya, qaar kamid ahna waxa ay qolka maxkamadda ka bexeen ayagoo illin ay ka qubaneyso.

Ayaan Moxamed Faar, waa hooyada dhashay mid kamida wiilasha waxaanay ayaa waxa ay BBC-da u sheegtay inaysan ku qanacsaneyn go'aanka xeerbeegtida.

Sadiiq Warfaa, waa nin u ololeeya arimaha bulshada somaliyeed ee Minnesota ku nool, maxkamadda wiilashu intii ay soo socotay maalin walba joogay.

Labaduba waxay u warrameen weriyaha BBC-da ee Mareykanka Maxamed Xaji Xuseen