Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Garoon diyaaradeed oo laga dhisay Qabridahar

Magaalada Qabridahar ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa laga furay garoon diyaaradeed oo caalami ah kaas dhismihiisa la waday mudo labo sano ku dhaw.

Garoonkaas ayaa ah kii koobaad ee uu dhisto maamul deegaan oo Itoobiya ku yaalla.

Garoonka oo shaqada si rasmi ah u bilaabay waxaa furay Madaxwaynaha Deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar iyo Tewadros Daut oo ah agaasimaha guud ee garoomada diyaaradaha ee Itoobiya.

Madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada ee Itoobiya Mawliid Haayir Xasan, ayaa furitaanka garoonka diyaaradaha uga warramay Xasan-Deeq Cabdullaahi Haybe oo marka hore waydiiyay lacagta ku baxday dhismaha garoonka.