Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxda Soomaaliya iyo Kenya oo maanta kulmaya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmidoona dhigiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta.

Arrimaha ay kawada hadli doonaan waxaa ka mid ah arrinta dib u celinta qaxootiga, iyo iskaashiga dhanka amniga.

Madaxweyne Xasan ayaa shalay booqday xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab halkaas oo uu kula kulmay dadka qaxootiga ah.

booqashada madaxweynaha waxay ku soo aadeysaa ayadoo ay jirto xiisadda ku aadan celinta qaxootiga Soomaalida.

Hadaba, Daud Aways oo ah afhayeenka madaxweynaha Soomoaliya, ayaan Axmed Xaji Xasan uga warramay waxa ay labada masuul maanta ka wada hadli doonaan.