Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi ku saabsan madbacadda Kitaabka Qur'aanka

Qaar ka mid ah culumaa'udiinka Soomaaliya oo dhawaan booqday dalka Sacuudi Carabiya ayaa waxa ay fursad u heleen in ay booqdaan warshada lagu daabaco musxafka Qur'aanka Kariimka, taasoo ka mid ah warshadaha ugu waaweyn caalamka.

Warshadan ayaa waxa ay sanadkiiba soo saartaa 13 milyan oo Kitaabka Qur'aanka ah.

Sheekh Yuusuf Cali Caynte waxa uu ka mid ahaa culumadii warshadaasi booqatay, waxaana wixii uu halkaasi kusoo arkay uga warramay weriyaha BBC Cabdirisaaq Xaaji Catoosh.