Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kansarka oo ku soo badanaya Soomaaliya

Dhakhaatiirta caafimaad ayaa walaac badan ka muujinaya cudurka Kansarka oo ay sheegeen in uu kusoo badanayo Soomaaliya.

Kansarka ku dhaca cunaha iyo kan beerka ayay dhakhaatiirtu sheegayaan in ay yihiin noocyada ugu badan ee lagu arko dadka Soomaaliya kunool.

Dakhtar Xuseen Abshir Xasan, oo ku taqasusay cudurada uu ka midka yahay Kansarka, kana howlgala cisbitalka Jaamacadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, ayaa Suheyba Maxamed Baqdas uga warramay sababta keentay in cudurkan uu kusoo bato Soomaaliya.