Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muxamed Cali oo maanta la aasayo

Kumannaan qof ayaa ka qeybgalay salaadda janaasada ee Muxamed Cali, taasoo xalay ka dhacday magaalada uu ku dhashay ee Louisville.

Salaadda janaasada ayaa waxaa dadka ka bixiyay, Zaid Shakir, oo ah imamka gobolka Californian, isla markaana garab joogay Muxamed Cali marka ay nafta ka baxaysay.

Jimcaha maanta ah ayaa Muxamed Cali lagu aasi doonaa magaalada uu ku dhashay ee Louisville, aaskiisana waxaa ka qeybgeli doonaa dad badan oo caan ah.

Cabdi Cabdillahi Cilmi oo ku magac dheer Cabdi Hindi oo haatan ah duqa degmada Garbo-dadar ee Awdal ayaa ka mid ah dadka Soomaalida ah ee la kulmay marxuum Maxamed Cali.

Axmed Nagashe oo khadka telefoonka kula xiriiray ayaa ugu horrayn weydiiyay goorta iyo halka uu kula kulmay.