Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Warbixin ku saabsan aftida bishan ka dhacaysa Britain

Cod bixiyeyaasha Britain ayaa hadda waxaa dhagahooda ku dhacayo dacaayado ku saabsan faa'iidada iyo khasaaraha ay leedahay ka mid ahaanshahooda Midowga Yurub.

Shacabka ayaa labo todobaad gudahood waxa ay codkooda ka dhiiban doonaan afti loo qaadayo in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub ama ay ka sii mid ahaato.

Kooxaha u kala ololeynaya labada dhinac ayaa adeegsanaya qaabab cajiib ah oo lagu kala ogaanaya isla markaana lagu qancin karo codbixiyeyaasha ay u maleynayaan in codkooda uu saameyn weyn ku yeelan doono natiijada aftidaasi.

Weriyaha BBC-da ee arrimaha siyaasadda Ross Hawkins ayaa isu dhageysanayay dhinacyada iska soo horjeeda, warbixintan ayuuna ka soo diray, waakan Xasan Cali Geelle oo soo jeedinaya.