Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Yurub oo ka walaacsan in Britain ay ka baxdo Midowga

Waxaa soo badanaya waddamada Yurub ku yaalla ee ka walaacsan in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub, aftida dalkaasi ka dhacaysa 23-ka bishan June.

Dowladaha dalalkaasi ayaa sheegaya in haddii Britain ay baxdo, ay taasi dhabaha u xaari karto burburka Midowgaasi.

Ra'yi ururintii ugu dambeysay ee Britain laga sameeyay ayaa muujineysa in ay aad isugu dhawdahay tirada dadka kala taageersan ka bixitaanka iyo kasii mid ahaanshaha Midowga Yurub.

Saameyn intee la eg ayay Midowga Yurub ku yeelan doontaa haddi Britain go'aansato in ay ka baxdo?

Su'aashaasi iyo kuwo kale ayay Suheyba Maxamed Badqas weydiisay Cabduqadir Maxamed Axmed, oo ka faalooda arrimaha caalamka