Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jubaland: Diyaar ayaan u nahay qaxootigeen Dhadhaab ku jira

Dhawaan ayay ahayd markii dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Dhadhaab dib loogu celiyo dalkooda.

Qaxootigaasi ayaa intooda badan kasoo jeeda gobolada Jubooyinka, Gedo, Baay iyo Bakool, waxaana deegaannadaasi horay ugu laabtay boqolaal qoys oo ku noolaa Dhadhaab.

Haddaba maamul goboleedyada ka jira deegaannadaasi diyaar ma u yihiin in ay qaabilaan dadkooda qaxootiga ah, mar haddii la celiyo?

Maxamuud Sayid Aadan, waa madaxweyne ku-xigeenka Jubaland, Cabdirisaaq Catoosh ayaa su'aashaasi iyo kuwo kale weydiiyay.