Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Roobab dad ku laayay magaalada Hargeysa

Saddex qof oo midi dumar tahay ayaa ku dhinmatay roobab duufanno wata oo xalay ka da'ay magaalada Hargeysa, 22 qof oo kale ayayna dhaawacyo ka soo gaareen sida ay masuuliyiintu u xaqiijiyeen BBC.

Dhibaatooyinka kale ee roobabkaasi gaysteen waxaa ka mid ah guryo iyo dugsiyo dumay, iyo khasaare soo gaaray hanaankii korontada iyo isgaarsiinta magaalada.

Weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Siciid Cige ayaa warbixintan ka soo diray roobabkaas.