Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Macalimuu oo marti noogu ahaa BBC

Weriyihii hore ee BBC Maxamed Ibrahim Macalimuu oo booqasho ku jooga magaalada London ayaa maanta marti noogu ahaa barnaamijka galabnimo.

Maxamed Ibraahim Macalimuu oo dhowaan Muqdisho loogu doortay xoghayaha ururka NUSOJ wuxuu ka warramayaa xaaladda ammaanka, siyaasadda, xaaladdiisa caafimaad iyo socdaalka uu ku joogo London.