Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaalida Maraykanku siday u arkaan hadalka Trump

Donald Trump oo Madaxweyne nimo ugu sharaxan xisbiga Republican-ka ee dalka Marayknaka ayaa soo celiyay mar kale baaqiisii ahaa in Muslimiinta si ku meel gaar ah looga mamnuuco in ay soo galaan Maraykanka.

Waxaa kale oo uu sheegay in Soomaalida ku dhaqan dalka Maraykanku ay ku biirayaan Daacish.

Hadaba hadalkan ka soo yeeray Trump siday u arkaan soomaalida maraykanka ku dhaqan?.

Weriyaha BBC ee dalka Maraykanka Maxamed Xaaji Xuseen Shiine ayaa Maykarafoonka la dhexqaaday Soomaalida Maraykanka oo isla su'aashaas waydiiyay.